DAMJADIID oo qorshe ku khasbaya xildhibaanada cusub doorashada XASAN diyaariyey.

Muqdisho: (Caasimada Online): Koox diimeedka Damjadiid ayaa diyaariyey qorshe qatar ah oo xildhibaanada ku khasbaya doorashada Xasan Shiikh Madaxweynaha xilligiisu uu dhamaadey.

Qorshahan ayaa ah mid ay kooxdu ku sameysanayso lacago been abuur ah oo doolar ah, taasi oo Xasan uu siinayo xildhibaanada cusub kadibna la daba dhigayo nabad sugidda oo xildhibaanka kuqabanaysa lacagtaasi caddeynta ah oo looga dhigayo kiis haddii uu siin waayo codkiisa lagu qaban doono oo xasaanaddana looga qaadayo.

Soo daabacadda lacagahan been abuurka ah ee doolarka ayaa waxay kooxdu u xilsaartay Gen Cabdullaahi Macali Nuur oo haysta saadka Madaxtooyada, waxaana xildhibaanka lagu qabto laga duubaya muuqaal caddeynaya lagu qabtay lacag doolar ah oo been abuur ah dembina ku ah.

Qaar kamid ah xdhibaanada cusub oo aan la xiriirney ayaa noo xaqiijiyey inay la socdaan qorsha nuucaasi ah waxauna bilaabeen inay fariimo dhanka mobileka ah is dhaafsadaan si ay uga digtoonaadaan qatarta cusub ee kusoo socota.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com