Danaha wejiyada badan ee Imaaraadku Carabta ka leeyahay Soomaaliya

Wadanku waxa uu hadda  u muuqdaa mid ka soo kabanaya colaaddii ragaadisay muddo nus qarni ku siman, Waxaa jira dalal badan oo mashaariic kala duwan ka fulinaya Soomaaliya iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo badanayaan wadamada safiirada usoo magacaabaya dalka.

Hadana wadan walba waxa uu leeyahay siyaasad ku aaddan arrimaha dibadda taas oo go’aamineysa sida uu noqonayo xiriirka  dhaqan, dhaqaale ee uu la leeyahay dalalka kale.

Qormadan waxa aan ku faaqideynaa danaha Imaaraadka uu ka leeyahay maalgeshiga iyo joogitaanka Soomaaliya.

Soomaaliya Maxaa Muhiim Ka Dhigay?

Soomaaliya waa dal ay indhaha ku wada hayaan caalamka waxaana arrintaasi sabab u ah booska muhiimka ah ee uu dhaco dhul ahaan, kheyraadka dabiiciga ah ee uu leeyahay iyo loolan siyaasadeed oo u dhexeeya dalalka deriska ah iyo kuwa daafaha caalamka ah.

Sida hay’adda FAO ay daabacday Soomaaliya waa dalka soo-saara caanaha geela ee ugu badan dunida.,Geela dalka waxaa lagu qayaasaa tiro ahaan 7.2 milyan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa mid ka badan 50% wadanka Suudaan oo ah wadanka labaad ee dunida ugu geela badan, sida ay sheegtay Ha’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO.

Dhanka kale, dalkeena waa dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, waxaana hay’ado iyo quburo caalami ah sheegaan in xeebaha Soomaaliya uu ku jiro keydka shidaalka ugu badan dunida. Waxaa intaa sii dheer ciidda hodanka ah ee dhulka Soomaalida ee beerista iyo tabaca ku wanaagsan.

Wadamada Bariga Dhexe ayaa ugu badan dalalka sida xoogga ah ay u taabaneyso arrimaha Soomaaliya maadaama iyagu ay yihiin dalalka ugu badan ee saliidda iyo shidaalka soo saara. Waxaana mid walba oo Sacuudiga iyo Imaaraadka kamid ah uu doonayaa in uu wax un ka ogaado arrinta la xiriirta in xeebaha Soomaaliya uu keyd badan oo shidaal ah ku jiro.

Arrimahaa  aan kasoo sheekeynay ee shidaalka, kheyraadka iyo siyaasaddaba isugu jirta ayaa Soomaaliya ka dhigeysa bar muhiim ah oo dareen iyo rabitaanba ku abuuri karta dalal awood dhaqaale iyo siyaasad fadhisa leh.

Danaha Imaaraadka

Dalka Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka sida weyn u daneynaya in saameyntooda dhaqaale iyo midda siyaasadeedba ay ku yeeshaan Soomaaliyada kobceysa ee kasoo kabaneysa dagaalada, dibna u dhismeysa. Waxaana danahaas aan u kala qaadi karnaa dhowr arrimood oo ay ugu horreyso loolan kala dhaxeeyo dalal kale iyo in UAE uu doonayo in uu ilaashado maslaxaddiisa maaliyadeed iyo midda dhaqaale ee gobolka kaga xeran.

  1. Loolan Kala Dhaxeeya Dalal Kale

Waxaa jira loolan gaar ah oo wejiyo badan soo-maray oo u dhaxeeyo dalalka Bariga Dhexe kuwaas oo doonayo in midba midka kale uu awooddiisa gobolka hoos u dhigo iyo mid gaar ah oo intooda badan kala dhaxeeyo dalka Iran.

Imaashahii Erdogan ee uu yimid Soomaaliya 2011 ayaa waxa ay bog cusub u furtay Soomaaliya, waxaana dunida inteeda kale ay dareentay in dalka ku yaalla geeska Afrika uu noqonayo meel fursado ay ka jiraan. Turkiga ayaa bilaabay in uu mashaariic baniadamnimo ka fuliyo dalka isagoo kumanaan arday ah siisay deeq waxbarasho.

Waqtigaa wixii ka dambeeyay Turkiga waxuu noqday saaxiibka 1’aad ee Soomaaliya, waxaana sii xigxigay mashaariic isdaba joog ah oo dalka ka fuliyay illaa markii dambe shirkado Turki ah ay la wareegeen maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekedda Muqdisho oo waqti xaadirkan soo xareeya in ka badan 80% daqliga soo gala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulufadooda ee xiriirka u jaray dalka Qatar waxa ay Turkiga iyo Qatarba ku dhaliilaan in ay taageeraan Iqwaan-ka iyo ururo kale Islaamiyiin ah oo Sacuudiga iyo xulufadooda ay u arkaan mid ka hor-imaaneysa siyaasadooda.

Sanadkii 2013 ayey aheyd markii Maxamed Mursi la-tuuray, dalalka Imaaraadka, Sacuudiga iyo Kuwait ayaa taageeray talaabadaas halka Turkigana uu ka horyimid. Halkaas ayuu kasoo bilowday loolanka u dhaxeeyay Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah.

Sidaa darteed dalka Imaaraadka waxuu doonayaa in Turkiga uu la qeybsado awoodda iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaaliya. Si aan arrintaasi usoo koobno, hoos ka aqri nuqul kamid ah qoraal jawaab ah oo ay Dowladda usoo dirtay Goobjoog oo laga dhadhansan karo in Sacuudiga iyo xulufadiisa ay loolan cad kula jiraan Turkiga:

“Booqashada madaxweynaha gaar ahaan kuwa uu ku tagay Khaliijka waxaa ay horseedeen su’aallo ku saabsan geo-political, sida dalka Sacuudiga Carabiya waxaa ay ballan-qaadeen in ay la bar bartami doonaan dalka Turkiga oo haddii Airport dhisaan iyaga dhisi doonaan haddii ay waddo dhisaanna uu Sacuudiga waddo dhisi doono…arrintaas intii la dhihi lahaa waxaa loo tartamaa Soomaaliya, sow lama dhihi karo waa aragtida cusub ee madaxweyne Farmaajo ee arrimaha dibadda”

  1. Maslaxad Amni & Siyaasadeed

Sida aan wada ognahay dalka Imaaraadka waxuu heshiis la saxiixday maamulka Somaliland. Heshiiskaas waxuu ogolaanayaa in Imaaraadka uu Berbera ka sameysto saldhig militeri si ay ugu fududaato la-dagaalanka Xuutiyiinta Yemen iyo ka warqabka dhaqdhaqooda dhanka badda ah oo ay Iran uga cabsanayaan in ay garabka helaan maadaamaa dhanka barriga aanay cabsi ka qabin Sacuudiga iyo Cummaan oo daris la ah awgeed.

Arrinta kale ayaa ah in 4 milyan oo barmiil oo shidaal/saliid ah oo ka timaada wadamada Khaliijka ay maalin walba ka gudubto Baabul-Mandab oo Berbera ay ku aadantahay marinkeeda. Iyada oo la tixgelinayo falalka burcad badeednimo ee 10-kii sano ee ugu dambeeyay soo kordhayay ay cabsigelisay Imaaraadka oo ah wadanka 5’aad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka.

  1. Dano Dhaqaale

Marka laga soo tago saldhigga meletari ee Berbera, Shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ayaa isku dayeysa in ay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyada oo la wareegtay maamulka dekedda Berbera sidoo kalena ku guuleystay in la wareegto maamulka dekedda Boosaaso kadib markii dhowaan ay heshiiskaas ansixiyeen golaha baarlamaanka ee Puntland.

Marka laga soo tago la wareegidda labadaas dekedood waxaa jira shuxshux hoose oo ku aaddan in dekedda Baraawe ee maamulka Koofur Galbeed ay la wareegeyso shirkaddaas Imaaraadka ah. Warbixin ay soo saartay DP World sanadkii lasoo dhaafay ayey ku sheegtay in ay kordhin doonto xarumaha iyo dalalka ay ka howlgasho, waxaan dalalka warbixintaas lagu xusay kamid ahaa Soomaaliya.

  1. Shidaal

Dunida oo dhan xeebaha Soomaaliya waxaa ay ku tuhuntaa in uu ku jira keyd shidaal, waana sababta keentay in dalal badan ay yimaadaan xeebaha Soomaaliya iyaga oo siyaabo kala duwan oo ay la-dagaalanka burcad badeedda iyo argagaxisada kamid tahay u jooga xeebaha Soomaaliya.

Hadaba beegsashada Imaaraadka uu beegsanayo ilaha dhaqaale gaar ahaan dekedaha (xeebaha) ayaa lagu macneyn karaa in Imaaraadka uu aad u daneynayo shidaalka Soomaaliya maadaamaa dalka Qatar oo ah dal ay xurguf badan ka dhaxeysa uu yahay dalka ugu badan ee uu shidaalka kasoo qaato.

Muranka xuduud badeedka ee u dhexeeya Soomaaliya ee Kenya ee la horgeeyay Maxkamadda Hague waxaa qarashka ku baxay dacwada ay Soomaaliya gudbisay bixiyay dowladda Imaaraadka iyadoo Soomaaliya u qabatay qareenno aad looga dambeeyo dunida.

Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lahaanshaheeda ayaa la aaminsayahay in uu ku jiro shidaal, waxaana dowladda Kenya ay horay heshiisyo ula gashay shirkado caalami ah oo shidaalka baara. Arrintaasoo walwal gelisay Soomaaliya keentayna in ay dacwad ka dhan ah u gudbiso Maxkamadda Hague.

Sida aan wada ogsoonahayba ma jiro dal wadankale si mutadawacnimo ah u saacidaya, maalgelinta dacwada badda iyo sida Imaaraadka uu u daneynayo in uu saameyn ku yeesho dhul xeebeedyada iyo dekedaha Soomaaliya ayaa taageereysa aragtida ku aaddan in danaha Imaaraadka ee Soomaaliya ay kamid tahay dano shidaal.

Turkiga & Imaaraadka

Xiriir ahaan dalka Turkiga ayaa u muuqda mid xiriir fiican la-leh Dowladda Dhexe, waxuuna u muuqdaa mid kala tashada mashaariicda uu ka fulinaya dalka. Waxuuna Soomaaliya ku leeyahay safaaradda ugu weyn ee uu dal kale ku leeyahay, sida uu madaxweyne Erdogan sheegay.

Halka Imaaraadkana uu u muuqdo mid si madax-banaan heshiisyo ula gala maamul goboleedyada dalka, taas oo keentay in Soomaalida baraha bulshada ay ku mudaaharaadeen sumadda #UAEHandsOffSomalia si ay Imaaraadka ugu muujiyaan midnimada Soomaalida iyo in garab maridda Dowladda Dhexe ay tahay arrin midnimada dhabar-jab ku ah.

W/D: Mowliid Axmed Xasan