Dowlada Somalia “AMISOM iyo IGAD uma taal arrinta Kismaayo”

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka.

Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ay u taal.

“Dowladaha gobolka, waa ay nagu gacan siin karaan inaan ku guuleysano arrimo badan oo ay maamul u sameynta gobollada ku jirto, hase yeeshee mas’uuliyadda waxaa leh Dowladda Somalia iyo dadka deegaanka”

Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.