Danjire Maxamed Cali Ameeriko: Hogaamiyihii ay Somali sugeysay

Mar kasta oo Soomaaliya ay doorato madaxweyne cusub, waxay shacabka Soomaaliyeed ku niyad dhistaan inuu yahay madaxweyne ugu dambeyn dalka ku hoggaamin lahaa dowladnimo dhab ah iyo hoggaan daacad ah.

Bilo ama sanado yar kadib waxay xaaladda u muuqataa rajo lagu hungoobay, waxaana durbaba billaabma hadal hayn ah “Kii hore ayaa dhaamay midka”.

Bilo yar kadib waxay Soomaaliya mar kale dooran doontaa madaxweyne cusub, laakiin Soomaalida waxay markan haystaa fursad laga yaabo inaysan dib usoo marin oo ay ku dooran karaan madaxweynihii ay muddo ku taamayeen.

Dadka hadda masraxa siyaasadda ka muuqda, lana filayo inay tartamaan sanadkan, waxaa sida dab deex laga taagay uga dhex muquda shaqsi Soomaalida ay muddo ku tilmaamayeen “Geesi qaran iyo wadani dhab ah”.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, waxaa Soomaalida inteeda badan ay ku taqaanaa inuu yahay safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya, iyo u damqade shacabka Soomaaliyeed.

danjire amerikoMaxamed Cali Ameeriko oo iminka Soomaali badan ay ka codsanayaan inuu is-sharxo si uu dalka u bad-baadiyo, ma ahan nin qorshihiisu yahay inuu xilka u qabto oo kaliya xil qabasho, ee waa muwaadin fahamsan dhibka Soomaaliya haysta, iyo sida lagu xalin karo.

Haddii aadan fahamsaneyn meesha dhibka ka jiro, marnaba lagama yaabo inaad xaliso, waana taas sababta Danjiro Ameeriko uu u yahay fursad Soomaalida ay haysato, oo ay tahay inay ka faa’iideystaan.

Diblomaasigan rug-cadaaga ah waxa uu rumeysan yahay in in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka Soomaaliya haysta ay yihiin kuwa shacabka ay ayaga un xalisan karaan, balse ay la’yihiin hoggaan daacad ah oo awood badan oo tubta toosan ku haga.

Intii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya,Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko waxa uu ahaa muwaadin iyo diblomaasi difaace u ah qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka.

Qorshihiisa dalka iyo hadafkiisa ugu weyn waa inuu dadka siiyaa hoggaan, islamarkaana fursado u abuuro dhallinyarada, isaga oo sidoo kale rajo iyo mustaqbal ifiya u tusmeynaya dadka.

Danjiraha waxa uu rumeysan yahay in inkasta oo Soomaaliya ay carqalado ku jirto 25 sano, haddana uu ilaah ku maneystay xeebta ugu dheer Africa, shidaal keydkiisa la rumeysan yahay inuu ka badan yahay kan dalka Qadar, laguna qiyaaso 110 bilyan oo barmiil, macdanta uranium-ka, laba wabi oo dhaadheer, kalluumeysi iyo dhul ku wacan beerashada.

Danjire Ameeriko waxa uu wax ku bartay dalka Mareykanka, isaga oo ka qalin jebiyey jaamacadaha Montgomery College iyo University of Maryland ee gobolka Maryland, halkaasi oo uu ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

Markii uu qalin jebiyey sanaddii 1985-kii, waxa uu ku laabtay dalka, isaga oo ka shaqeeyey bankigii dhexe ee Soomaaliya, oo uu madax ka ahaa qeybta xisaabaadka, ka hor inta uusan dagaalkii sokeeye qarxin.

Astaamo kasta oo hoggaamiye lagu dooraan lahaa sida:- aqoon, daacadnimo wadaninimo, howl-karnimo, damqasho iyo aragti fog intaba wuu lee yahay Maxamed Cali Ameeriko.

Waxaan shaki ku jirin in haddii la doorto Danjire Maxamed Cali Ameeriko, ay oraahdii ahayd ”Kii hore ayaa dhaamay midkan” isku beddeli doonto oraah ah ”Maxaan mar hore u dooran weynay”.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko: Hogaamiyihii ay Somalia sugeysay