Sawirro: Ameriko oo la hadlay Somalida Sweden

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur  Ameeriko oo  socdaal ku maraya dalal ku yaalla Waqooyiga Yurub ayaa maanta la hadlay Soomaali ku nool dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Katrineholm, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka Soomaaliya iyo dalka Sweden ee ay ku nool yihiin.

Munaasabad lagu qabtay dugsiga Nyhemssokaln ee magaalada Katrineholm ayaa waxaa ka qeybgalay Soomaali ka kala timid gobollo ka tirsan dalka Sweden, kuwaasi oo si weyn u daneynayay in ay la kulmaan Safiirka oo aan hadda wax xil ah ka heynin dowladda Soomaaliya.

Waxgarad badan oo munaasbadda ka hadlay ayaa waxay isku raaceen in Danjire Maxamed Cali Ameeriko uu yahay danjiraha kaliya ee wax la taaban karo u qabtay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda jilicsan, waxayna ka xuseen gurmadka aan hagar lahayn oo uu u fidiyay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya, Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Kenya iyo weliba kuwo ku nool dalka Soomaaliya gudahiisa.

Dadka Munaasabadda ka hadlay ayaa waxay Danjiraha ugu duceeyeen in uu Alle ka abaal-mariyo gacantii uu u fidiyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxayna ku tilmaameen in uu yahay Shakhsi naxariis badan oo waxqabadkiisana aan shuruud ku xirin.

Intii ay munaasabadda socotay ayaa waxaa madasha soo gaaray Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Jabuuti, C/raxmaan Maxamed Hiraabe oo booqasho kooban ku jooga dalka Sweden, wuxuuna bogaadiyay Soomaalidii munaasabadda soo qabanqaabisay iyo kuwii kasoo qeybgalay, wuxuuna kaddib ka hadlay waxqabadka danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko.

Intaas kaddib Danjiraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in socdaalka uu ku marayo dalalka Scandinevian-ka uu yahay mid uu kula hadlayo Soomaalida ku nool wadamadaas, wuxuuna intaas ku daray in Denmark soo maray, hadda uu Sweden joogo, uuna sii mari doono dalalka Norway iyo Finland.

Danjiraha ayaa Soomaalidii uu la hadlayay waxaa uu u sheegay in ay mar walba niyadda ku hayaan dalkooda hooyo, sidoo kalena ay dhexgalaan bulshooyinka ay la nool yihiin ee soo dhaweeyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haddii aysan ka qeybqaadan barnaamijyada isdhexgalka ay noqon doonaan kuwo gooni u socod ah.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa intii uu hadlayay waxaa uu soo qaadanayay dhacdooyin xanuun badan oo uu kula kulmay xeryaha ay dadka Soomaaliyeed ku jiraan ee ku yaalla Dalka Kenya, wuxuuna sheegay in dhacdooyinkaas qaarkood  ay yihiin kuwo aanan maskaxdiisa ka go’i doonin inta uu nool yahay.

Intaas kaddib wuxuu soo qaatay qodob muhiim ahaa oo ku saabsan sababta xalka Soomaaliya loo heli la’ yahay, wuxuuna caddeeyay in ay taasi sabab u tahay iyadoo aysan dadka Soomaaliyeed weli si dhab ah isu cafin, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii aanan la helin is-cafintaas in aanan xal la heli doonin.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo isaga qabsatay oo ahayd in wiil dhalinyaro ah oo 1992-kii dilay gabar yar oo uu dhalay uu u yimid kaddibna uu ka codsaday in uu cafiyo, isagana uu sidaas ku cafiyay. Wuxuu sheegay in wiilkaas cafiyay, isagana uu u sheegay in uu Allaah cafis weydiisto.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko  wuxuu berri kula hadli doonaa Magaalada Stockholm Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden, wuxuuna horay ula soo kulmay Soomaalida ku nool Magaalada Växjö oo nasiib u yeelatay in ay furto socdaalka Danjiraha ee dalka Sweden.

Ugu dambeyntiina, waxaa Danjire Maxamed Cali Ameeriko la guddoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusayay waxqabadkiisii daacadnimo, taasi oo ay u garatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Katrineholm, iyadoo sidoo kalena ay bahda Isboortiga ee Magaaladaas ay guddoonsiisay hadiyad gaar ah oo ay ugu talagashay.
amb (1)  amb (3)  amb (5)amb (6)  amb (8)amb (9)amb (10)amb (11)amb (12)amb (13)  amb (15)amb (16)amb (17)   amb (20)    amb (24)   amb (28)amb (29)amb (30)amb (31)amb (32)amb (33)
amb341amb351
amb (34)
amb (26)amb (25)amb (19)amb (23)amb (22)amb (4)

Salaad Iidow Xasan (Xiis)
salaadxiis@gmail.com