Daraasad: Maxay tahay sababta curadku uu uga qurxoonaado caruurta qoyska?

Glasgow (Caasimada Online) – Marka uu cunuga labaad kusoo biiro reer kasta, dareen ahaan waa ay adag tahay in la qoro wax walba oo maankooda ku meereysanaya hooyada iyo aabaha dhalay.

Si kastaba ha ahaatee, daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu markasta ama inta badan curadka reerku ka qurxoon yahay caruurta ka yar oo dhan.

Xitaa jaamacadda University of Edinburgh ee dalka Scotland ayaa daaha ka qaaday in curadku uusan ka qurux badneyn caruurta ka yar ee reerka oo dhan, balse uu sidoo kale ka faham badan yahay caruurta kale ee reerka (Higher IQ Test Score) marka uu hal sanno gaaro ayeyna xisaabtaani bilaabaneysaa.

Baareyaasha sameeyey daraasaddaan ayaa daaha ka qaaday in cunuga koowaad ee reerku uu inta badan ka faham sarreeyo caruurta kale ee isla reerkaas sidoo kalena uu xirfadaha fikirka uga wanaagsan yahay, waxaana ugu wacan daryeelka uu ka helo labadiisa waalid maadaama ay ku jiraan xilli hore oo noloshooda farxadda ku dhisan ah.

Maqaalkaan oo lagu daabacay majaladda Journal of Human Resources ayaana daaha ka qaadeysa in waalidiinta intooda badan aysan waxba ka bedeli karin arrintaan oo si dabiici ah u dhacda, xitaa haddii ay helaan mushaar badan iyo waxbarasho heer sarre ah goordambe oo noloshooda ah.

Kooxda baaritaankaan sameysay ayaa waxay kaashanayeen koox loogu magac daray Analysis Group iyo jaamacadda University of Sydney, halka ay sidoo kale macluumaad ka heleen US Children of the National Longitudinal Survey of Youth iyo US Bureau of Labour Statistics.

Daraasaddaan ayaa cabir wadareed ka qaaday in ka badan SHAN KUN oo caruur ah kuwaasoo curad u ah waalidkood isla markaana aan gaarin dhallinta 14aad, waxaana la ogaaday inay ka qurxoon yihiin, ka faham iyo fikir badan yihiin caruurta la dhalatay. Waxyaabaha lagu tijaabiyey waxaa ka mid ah akhriska iyo micneynta sawirka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com