Muxuu Cabdikariim Guuleed ka yiri xil ka qaadista lagu sameeyey?

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo kulan goordhow ka dhacay magaalada Cadaado kalsoonida lagala laabtay Hogaamiyaha Galmudug, ayaa waxaa soo baxaaya in C/kariin Guuleed uu ka biya diiday kalsoonida lagala laabtay.

Hogaamiye C/kariin Guuleed oo goordhow ay codkiisa baahisay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muwdisho ayaa sheegay inuusan aqbali doonin xil ka qaadista lagu sameeyay.

C/kariin Guuleed waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku lahaan doonin.

“Wax la aqbali karo maaha kulanka degdega ah ee kalsoonida leygala laabtay waana mid aan saameyn igu yeelan doonin”

Haddalka C/kariin Guuleed ayaa imaanaya xili Xildhibaano gaaraya 54 ay shaaciyeen in Hogaamiyaha ay kalsoonida kala laabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com