December: Bil murugo iyo gocosho badan (Maalmo inoo madow oo ku jira)

Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku dul wareegaan. Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo caddaan, murugo iyo farxad. Jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Qoyska, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan nolosha.

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbardhig. Maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, sanadihii murug maarugta, colaadaha iyo dagaallada sokeeye, kuna baahday gees-ka-gees dadlka dhaliyana fawdada iyo jaantaa rogan, ee la galay tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn. Waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan (soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhiibtay maalin.

Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto wixii dhacay inta bil December na soo martay, balse, waxaan isku dayeynnaa inaan ka soo qaadanno dhacdooyin kala duwan oo wada dhacay isla bashaa, waxaan u adeegsannay sida ay u kala horreeyeen xagga sanadka, inagoo ka soo billownay sooyaalka hore deedna ku keennay kiwii ugu dambeeyey ee dhacay, marka qofkii aweeddiisu tahay inuu wax ku daro taariikhdan way u furan tahay.

Burburkii Dawladdii dhexe!

Bal aan ka billaabo 31 December sanadkii 1990-kii oo ku beegan burburkii dawladdii dhexe, waxaa maalintaa iyo bishaa wixii ka dambeeyey dalku galay dagaal magacyo kala duwan yeeshay, qaabab kala duwanna isu rogay, dhibaatadii ka dhalatay ay wali taagan tahay oo aysan dhammaan ama aan laga gudbin, waxaa maalintaasi horseed u noqotay heeryada habacsanaanta iyo hiilka qabiilka aan loo hayb dayin ee aan la hubsan.

December 1990-kii waxaa dalku u gacan galay jabhado hubaysan oo ka soo wada duulay dhanka Itoobiya, waxayna ku guulaysteen inay dalka diirtaan oo aysan hambayn Jiingad Lamayeeri iyo Mutuleel, waxay ku guul darraysteen inay ammaankii jiray wax ku biiriyaan ama sii adkeeyaan maadaama uu meesha ka baxay nidaamkii kali taliga ahaa, mindhaa lagama fekerin; maxaa dhacaya haddii sidaan wax loo maareeyo?!

Runtii bisha December waxay reebtay xanuunno aan waligood bogsoonayn lagase yaabo inay wax iska badalaan sida wax yihiin ama wax ku socdaan, bishan waxaa lagu xasuustaa maalmo aad u qaraar oo Soomaali soo maray ayna ugu horrayso rididdii dawladii dhexe iyo burburintii qarankii Soomaaliyeed, oo aan filaayo inay tahay mid sabab u ah wixii xigay ee dhacay ama ka dambeeyey.

Dagaalkii sokeeye iyo colaadihii ka dhex qarxay Soomaali ilaa jibsin hoose waa midda ilaa hadda taagan ee aan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, dhacdooyinkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii u ku jiray burburka waxaa lagu xisaabin karaa xilkeeda bisha December, oo ah bishii ay dawladdii dhacday, ujeedka ma ahan in maalin bil, sanad iyo xilli go’an la eedeeyo ee waa uun tilmaam xilliyeed timid xilligaa oo la eeday!.

Burburka qof, qoys ilaa qaran ku timid waa mid natiijadiisa la arkay ama la gartay, maxaa yeelay Soomaali wixii astaan dawladeed ay lahayd waa la wada moosay, dhaqan wixii ay lahaydna waa laga wada tallaabsaday, hidde la ilaalsho isaga warkiis haba sheegin, wax badan oo laga sarriingan jiray maanta wa lagu dhiirraday, taasna waxaa u sababa buburka aan waxba hambayn ee dhammaan wada gaaray ee lagu wada gumoobay!

Dabcan December 1990-kii ka sheekaynteedu dhammaan mayso oo ma ahan mid sadarro iyo dhowr xariiqmo lagu soo koobi karo, balse, waxaa mar walba meesha yaalla ee aan la illoobi karin wixii dhacay dhammaadkii bishaa iyo sanadkaas oo noqday billowga burburka Soomaali, beegsiga biri magaydada iyo bililiqada baahday ee waxba aan baal marin, waxay astaan u noqotay sanadaha ballowga colaadaha.

Galitaankii Xabashida ee Muqdisha!

Waxaan ku labaynaynnaa maalintii Xabashidu ay soo galay Muqdisha, Ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay, gaar ahaan Goballada iyo Degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: Goballada Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December 2006-dii waxay Ciidanka Xabashida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii Waddanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun badan leh, waxay ahayd maalin Waddani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan, iyo sida ay wax u dheceen? Waa hubaal in waddaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala go’ayn inta ay nool yihiin.

28-ka December maalin kala barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira aayaha, maalin taariiq cusub u billaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse, waa su’aale maxay ku xusi doontaa? Maxay ku sheegi doontaa? Maxay ku tilmaami doontaa? Siday uga warbixin doontaa?!

28-ka December 2006-dii, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Waddaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho waxay isla markiiba baro ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida: Wasaaraddii Gaashaandhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amarradii dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada dal, waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u ahayd ujeedada gurracan ee Xabashidu la maaggan tahay Soomaaliya, bal u fiirso ciidankii huwanta ee UNISOM ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg, ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka diyaarada iyo dekedda weyn ee Muqdisha, balse, waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Villa Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay u soo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!

Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka December oo kale? Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhex maro dabbaado gaashaaman iyo cudud Military? Dabcan taas waxaa ugu yeeray Wadaadadii waallida waday, waxaana ku marti qaaday Dawladdii C/laahi Yuusuf, waa la yaab in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey ay Soomaalidu u suura galiso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen! 28-ka December waa maalin uu la Cirroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed, 28-ka December maalin billow u ahayd dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Barakaca, Xasuuqa, iyo burburinta Hantida Dadweynaha.

28-ka December maalin mugdi galisay aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaaddayTabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamaysay Xigaalada Xabashida.

28-ka December maalin Murugo! Maalin Naxdin! Maalin Gocosho! Maalin Xumeed! Maalin Tiiraanyo! Maalin Haydaaro! Maalin dareen! Maalin Dhiillo! Maalin walaac! Maalin Walaahood! Maalin Walwal! Maalin Balaayo! Maalin Dullinimo! Maalin Gunnimo! Maalin qiyaano! Maalin Lur! Maalin Marooro-Dillaac!

Qaraxii Hotel Shamow!

Waxaan ku sadaxaynaynnaa 03-ka December 2009 maalintaas oo qarax aad u xooggan lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhacaysay Hotel Shamow, qaraxaas oo ay ku naf waayeen Arday, Dhaqaatiir, Macalimiin, Wariyayaal, Waalid iyo siyaasin ay ku jiraan Wasiirro, qaraxaas oo runtii aad u gilgilay magaalada muqdisha beerayna xaalad aad u murugo badan, qaraxaas oo aan cidna sheegayn qolyaha afka duubtana ay iska wada fogeeyeen.

Qaraxaas wuxu beegsaday Dhaqaatiir markaas dhamaysay Jaamacadda Banaadir qaybta Caafiamadka oo dhiganaysay muddo shan sano ah, wuxuu indha tiray umadda oo u horseeday mugdi iyo jahli, maadaama la beegsaday Hal Aqoonyankii barri dadka u adeegi lahaa, dhacdadaan waxay ka mid noqotay dhacdooyinka aadka u saameeyey umadda Somali.

Dhacdadaan ka dib, waxaa hana qaadday SILSILADDII DEELEEY oo anigu aan billaabay,  maansadii ugu horraysay waxay ahayd “Dareen” oo silsiladda magaceedu waa: Deelleeyda Qariga 21-aad oo ay ka wayb qaateen dhalinyaro Soomaaliyeed Meerisyo ka mid ahaa Jiiftadaa waa:

Dulmigii Shaamoow

Duhurkii la weeraray

Ardadii la duubee

Darajada mudneydee

Digriigiyo aqoontiyo

Dugisayada dhammeeyeen

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Ditoor caafimaadoo

Cudarrada daweeyiyo

Ubaxii dalkeennaan

Berri daadahaynlaa

Waalid soo daryeeliyo

Xubnaheeda dawladda

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Wariyaha diyaariya

Farriimaha dagaalkiyo

Dirirtiyo colaadaha

Dadka u adeegoo

Daabbula dhambaallada

Nabaddana u doodaa

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Intaa kaliya ma ahan, waxaa qaraxaa ka dib hana qaaday KOOXDA dib magacoodu ka noqon doono hees ay qaadeen qaraxa Shaamoow ka dib, oo magaceedu ahaa: “QAYLODHAAN” oo magaca kooxdu noqday: KOOXDA QAYLADHAAN.

Ugu dambayn, ma ahan bisha December mid dhacdooyinkeedu intaan ku eg ama ku kooban, balse, Aniga intaan ayaan ka soo qaatay ee qofkii wax ku daraya bal ha ku biiriyo wixii taariikh ah ee uu hayo, si loo aruurso taariikh dhaxalgal ah oo kooban si sahlanna loo heli karo.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.