Daawo Video: Kullankii Wasiirada arrimaha Dibedda Somalia iyo Britain

London (Caasimada Online) Wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan bannaanka hore ee wasaaradda kulanka  lobada masuul ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Waxa kaloo labada wasiir ay ka hadleen horrumarka nabad galyada ee ka jira Soomaaliya, tan iyo markii dowladda cusub ee madaxweynaha ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doortay sannadkii hore.

In kastoo faah-faahin dheeri ah aan laga heynin kulankooda haddana waxa la sheegayaa in gordhow ay shir jaraa’id ku qaban doonnaan xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska oo ku taalla bartamaha London.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin shir dowladda Ingiriiska ay marti-gelin doonto bisha May ee sanadkan kaas oo looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda UK ayaa xaley war uu soo galiyay boggiisa Tweeterka wuxuu ku yiri “Ku soo dhowow Twitter iyo xilka cusub. Waa inoo kulankeenna berri iyo sii wadidda taageerada UK ee Soomaaliya,”.

Marwo Fowsiya ayaa ugu jawaabtay; “Waad mahadsan tahay William Hague. Waan ku faraxsanahay kulankeenna maalinta berri ah. Soomaaliya way idinkaga mahad-celinaysaa taageeradiinna.”

Shirka lagu wado inuu dhaco bisha May ayaa dhaqaale loogu raadin doonaa dowladda cusub ee Soomaaliya.

Daawo Video-ga kullanka