Jawaari oo ku guuleystey doorashada guddoomiyaha baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho goordhow ka dhacay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia taa oo ay ku loolamayeen Afar Musharax.

Doorashada oo soo idlaatay ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo codadka ugu badan ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ee baarlamanka Cismaan Cilmi Boqore.

 

CODADKA AY KALA HELEEN MUSHARAXIINTA

1-Pror Max’ed Cismaan Jawaari (140 cod)

2-C/rashiid Max’ed Xidig       (96 cod)

3-C/fitaax Ibraahim Geeseey (16 cod)

4-Idir Aadan Dhakhtar           (2 cod)

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, Shahaadada 2aad ayuu ka heysaa Qaanuunka, wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayuu ahaa(1984-1990), waxaa uu xubin ka noqdey dhowr guddi oo dastuurka ah sida guddiga diyaariyay dastuur KMG ah 1990-kii, Lataliyaha UNDP ee dastuurka hadda dalka lagu maamulo iyo markii dambe guddoomiyaha guddiga khubaradaha ah ee dib-u-eegista dastuurka ilaa 2012-kii loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah, Jawaari waxaa uu ku hadlaa 5 luqad.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com