DEG DEG : Madaxweyne Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka soo deggay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaakada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha oo labadii cisho ee la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay waddanka Sudan, isla markaana ka qaybgalay sannad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay xoriyadda waddankaas, ayaa si wayn loo soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo si kooban ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in booqashadii uu ku tagay Sudan ay ku soo dhammaatay guul iyo is-afgarad wanaagsan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in uu la kulmay madaxda dalka Sudan oo uu ku jiro madaxweynaha Cumar Xasan Al-Bashiir, sidoo kale waxa uu ka qaybgalay xaflad lagu furaayay biya xireenka Niil, ee dalka Sudan.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Khartoum waxa uu kulamo la qaatay jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida ee wax ka bartay waddanka Sudan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Khartoum waxa ay booqdeen warshad sameesa lacagta, taasoo rabta in ay soo saarto lacago Soomaali ah.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqdo waddanka Sudan tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 10-kii September sannadkii hore 2012-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho