War Deg Deg ah: Qarax Sababay Qasaaro Xoogan oo ka Dhacay Islii.

Inta la xaqiijiyay siddeed qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay bakhaar biraha duugoobay lagu keydiyo oo ku yaallay xaafadda Eastleigh oo Soomaalida ku badantahay.

Qaraxa ayaa dhacay qiyaastii 7-dii fiidnimo ee caawa.

Madaxa booliska Nairobi, Moses Ombati, ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawaca gaaray ay xaaladdiisa liidato, balse toddobada qof kale dhaawacooda uu fudud yahay. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay cusbitalka Mother and Child Hospital oo xaafadda Eastleigh ku yaallo.

Lama oga waxa sababay qaraxa, balse Mr. Ombati, ayaa sheegay in loo maleynaayo in uu ka dhashay waxyaabaha Gaaska lagu keydiyo, hase yeeshee baaritaan ay wadaan.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, Xaaladda ayaana caadi kusoo laabatay daqiiqado kadib.

By Ibrahim Gedow Awale (Biibbo),
Nairobi_Kenya,
Injineerka3@hotmail.com