Warar hordhac ah oo laga helayo qaraxa xooggan ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax lagu soo xiray baabuur ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Saldhigga Waaberi halkaas oo aheyd meel aad u mashquul badan isla markaasna ay ku yaalaan carwooyin badan.

Warar horu dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Saldhiga degmada Waabari oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama, kuna dhow Isgoyska Dabka.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Saldhiga oo ku yaallo wado aad u mashquul ah.

Waxaa halkaas daadsan meydadka iyo dhaawacyada uu geystay qaraxaas, sidoo kalana waxaa jiro warar sheegayo inuu halkaas ka kacay dab uu sababay qaraxaas, iyadoo ay meesha soo gaareyn baabuurta dab damiska.

Qof ku dhow meesha uu qaraxa ka dhacay isla markaasna ku jiro carwo u dhow  ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu qaraxa ka dhacay iridda hore ee Saldhigga Waaberi.

Goob joogahaas ayaa Caasimadda u sheegay inuu ishiisa ku arkay 12 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan laba Haweyn ah kuwaas oo lagu qaaday baabuurta gargaarka deg deg ah.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah

…. Qoraal ku socdo