DEG DEG: Shirkii Kismaayo oo dib u dhacay (Sabab?)

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Maalinta Berri ah la filayey inuu Magaalada Kismaayo ka furmo shirkii uu soo diyaariyey Axmed Madoobe oo ay ka qeyb galeyeen madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Wararka hadda nasoo gaarayo ayaa sheegayo inuu shirkaas baaqday kadib markii madaxdii Maamul Goboleedyada ee Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ay gaari waayeen Magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa la sheegay inuu dib u dhacay ilaa Isniinta ama Talaalada sida wararka sheegayaan, ilaa haddana lama ogo sababto rasmiga ah ee uu kulankaas dib ugu dhacay.

Waxaa jiro warar sheegayo inuu kulankaas u baaqday arrimo xagga diyaaradaha isla markaasna ay madaxda Maamul Goboleedyada heli waayeen diyaarad ay usoo raacaan Kismaayo.

Ilaa hadda si rasmi ah ugama uusan hadli arrintaan Madaxwenaha Jubblanad Axmed Madoobe oo shirkaas ku dhawaaqay inuu ka dhici doono Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com