Deg deg: Wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya oo is casilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu is casilay Wasiirkii gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa kusoo bandhigay Shirka hadda u socdo Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo gudbiyey Waraaq is casilaad ah, waxaana arrintaas ka aqbalay Golaha Wasiirada iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Is Casilaadaan ayaan weli wax faahfaahin ah laga heyn sababaha keenay.

Waxaa isna maanta xilkiisa Iska Casilay Taliyihii Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cirfiid.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ay isu casileen sababaha ay isu casileen Wasiirka iyo Taliyaha.