DF oo is barbar dhig ugu qiil dayday weeraradii Muqdisho ee ramadaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbarbar dhig ku sameysay qaraxyadii ka dhacay sanadkii 2016 iyo kuwii dhacay bishii barakeysneyd ee Ramadaan taasoo dhawaan dhammaatay.

Sida la ogyahay bishii Ramadaan waxaa Muqdisho ka dhacay 3 qarax oo geystay khasaaro badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo intooda badan ahaayeen dad shacab ah oo weliba soomanaa.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ah  Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa amaan kala dul dhacay dowladda Farmaajo isagoo sheegay in 90% qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho la hakiyey midaasna ay sabab u tahay dadaalo ay sameysay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay wax lagu faano in Magaalada Muqdisho ay ka dhacday ilaa 3 qarax intii lagu guda jiray bishii dhamaatay ee Ramadaan, isagoo sheegay in dhammaan dadkii ay qaraxyadii wax kasoo gaareyn ay ahaayeen dad shacab ah oo soomanaa.

Taliyaha ayaa is bar bar dhig ku sameeyey qaraxyadii dhacay sanadkii 2016 iyo qarayada dhacay intii lagu guda jiray bisha Ramadaan,

“Waxaa is bar bar dhig ku sameyneynaa sanadkii hore 2016 qaraxyada iyo dilalka dhacay iyo kuwa bishii barakeysneyd ee hada dhamaatay dhacay, 3 qarax ayaa dhacay intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan, kuwaasoo shacabka lala bartilmaameedsaday, 12 qof ayaa dilal qorsheysan lagu dilay, halka 28 qof ay qaraxyada ku dhinteen, marka la isku daro waa 40 dhimasho iyo dhaawaca 62 ruux”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in sanadkii hore ay dhaceen 28 qarax, oo u dhiganta maalintii hal qarax isagoo xusay 40 qof dilal qorsheysan lagu dilau, halka  80 ay ku dhinteen qaraxyadii sanadkii hore dhaceen.

Is bar bardhigan uu sameeyay Taliyaha ayaa ah mid kaliya ku eg bishan Ramadaan iyo sanadkii hore wixii dhacay, laakiin Taliyuhu is bar bar dhig kuma uusan sameyn Ramadaankii sanadkii hore iyo Ramadaankan hada dhamaatay.