DF oo shaacisay xiliga ay bilaabaneyso dacwada badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhawaan fileyso in mar kale ay ka qeybgasho Dacwada Badda ee kala dhexeysa Somalia.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay fursad u heysato in dacwadii laga gudbiyay ay uga soo jawaabto ilaa 18 Bisha soo socota ee December Sanadkaan 2017.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay dhankeeda ka dhameystirtay dhammaan cadeymaha ku aadan lahaanshiyaha Badda, balse ay u xayiran tahay Kenya oo laga sugaayo ka jawaabida Dacwada laga gudbiyay.

Axmed Daahir, waxa uu carab dhabay in markii ay Kenya kasoo jawaabto Dacwada lagu soo oogay loo gudbin doono Maxkamada Hague ee dalka Holland, ay mar kale si toosa u furmi doonto Dacwada Badda leysku heysto.

Waxa uu sheegay in Maxkamada Hague ay sugeyso keliya Jawaabka Kenya, si loo bilaabo dhageysiga muranka dhanka Biyaha ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

”Dacwada waxa ay dib u furmeysaa marka ay Kenya kasoo jawaabto Dacwada loo heysto, waxa ay fursad u heysataa ilaa 18 Bisha soo socota kadib waxaan u fadhiisan doonaa ka qeybqaadashada Dacwada” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Waxa uu Xeer ilaaliyaha cadeeyay in dowlada Somalia ay gar u leedahay in dib loogu soo celsho xuquuqda laga duudsaday maadaama Badda ka maqan ee ku jirta gacanta Kenya ay tahay mid leh cadeymo aan muran gali karin.

Sidoo kale waxa uu shegay in ay tani horseedi karto in Soomaaliya ay guul ka soo hoyiso dacwadeeda Badda, maadaama Kenya ay u awood sheegatay Somalia oo iminka kasoo kabsaneysa burburka.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu cadeeyay inay u kaamilan yihiin dhammaan sharciyada cadeynaaya lahaanshiyaha Badda, keliya ay dharareyso Jawaabta Kenya si ay Maxkamadu u dhageysato Dacwada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com