DF oo sharraxday sababta Puntland ay u heleyso lacagta ugu badan maamul-goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay muran ka dhashay lacagta loo qoondeeyey maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku jirtay miisaaniyadda ay dowladda soo bandhigtay.

Muranka ayaa yimid, kadib markii la ogaaday in lacagta ugu badan ay helayaan Puntland iyo Jubaland, halka maamul goboleedyada qaar ay kusoo aaday lacag aad u yar.

Lacagtan ayaa u kala qoondeysan sidan:-

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore lacagta aysan ahayn mid ay dowladda siineyso maamul goboleedyada, balse ay tahay lacag ka imaneysa Bank Aduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Wuxuu sheegay in lacagta loogu talo-galay mashaariic laga fulinayo maamullada dalka, ayna u kala badan tahay sida mashaariicda u kala badan yihiin, una kala horreeyeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku xiran tahay sida mashaariicda loo kala ogolaaday, taasina aya tahay arrin dowladda aysan shaqo ku lahayn.

Waxa uu sheegay in maamulada cusub ee dhowaan la sameeyey sida Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, ayagana ay markooda heli doonaan mashaariic, lagana yaabo inay ka bataan Puntland ama Jubaland.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com