DF oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah shirkadaha ajnabiga ee garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Yusuf Garaad, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan shirkadaha Ajaaniibta ah laga rari doono gudaha Garoonka Xamar.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in dhulalka ay ku fadhiyaan shirkadaha ay u baahan tahay dowlada Federaalka sidaa aawgeedna la doonaayo in shirkadaha ay ka guuraan Garoonka.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa waxa uu sheegay in dowladu ay baahi gaara u qabto dhulalka ku dhexyaal Garoonka, lana doonaayo inay ka baxaan shirkadaha oo ay raadsadaan goobo kale.

Waxa uu wasiirku tilmaamay in dhismaha shirkadahaasi ay ku howlgalaan ay caqabad ku heyso shaqada Garoonka Diyaaradaha.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in shirkadahaas la geyn doono goobo kale oo ay ku howlgalaan si buu yiri ay u fududaato shaqada kale ee ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Haddalka Wasiir Garaad ayaa kusoo beegmaaya xili Seddex meelood laba meel iyo bar ay Garoonka Xamar ku shaqeystaan shirkado iyo Hay’ada caalami ah oo aan bixin lacagaha canshuurta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com