DF oo xog ka bixisay halka uu maraayo baaritaanka qaraxii Zoobe iyo dadka loo hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo Seddex cisho ah laga sugayaa inay soo bandhigto natiijada horudhaca ah ee baaritaanka weerarkii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14kii bishan.

Dowlada Federaalka oo kaashaneysa Sirdoonka reer galbeedka ee ka howlgala Somalia, ayaa lagu wadaa in mar qura ay si wada jira u shaaciyaan macluumaadka ku aadan Qaraxii Zoobe iyo cidda rasmiga ah ee ka danbeysay Qaraxa.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Hay’addaha Amniga ay hayaan xog ku saabsan Qaraxii Zoobe, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan macluumaad saafi ah oo ay ku qanci doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Islow ayaa xaqiijiyay in xubno lagu tuhmaayo Qaraxaasi ay ku jiraan gacanta Hay’addaha Ammaanka, islamarkaana xubnahaasi ay ku hayaan baaritaan lagu xaqiijinaayo macluumaadka Qaraxa.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ku howlan tahay ka abaalmarinta shaqsiyaadka loo hayo Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada laga sugaayo Hay’adaha khuseeya amniga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaanada Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.

”Sida aan horayba u sheegnay waxaan weli ku guda jirnaa baaritaanka Qaraxii Zoobe, rajadeenu waxa ay tahay inaan soo bandhigno natiijo saafi ah, waxaan shacabka ka dalbaneynaa inay nala samraan isla markaana nala shaqeeyan”

Haddalkan ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay xalay soo bandhigtay xogta Qaraxa oo guud ahaan ay waxyeeladu kasoo gaartay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com