DF Somalia oo fal-celintii ugu muhiimsaneyd ka sameysay musiibadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sameyesay falcelin middii ugu muhiimsaneyd ee loo sameyn lahaa Shacabkii Musiibada kasoo gaartay qaraxihii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe kasoo ay ku waxyeeloobeen in ka badan 500 qof oo Soomaali ah kuwaas oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Markii uu Qaraxa dhacay ilaa maanta waxaa weli socdo gargaarkii ugu badnaa oo ay dowladda sameeneyso iyadoo arrintaas loo saaray guddiiyo kala duwan oo loo xil saaray shaqooyin dhawr ah.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso gargaarada kala duwan oo ay dowladda u fidisay Shacabka Soomaaliyeed:

1) Meesha uu qaraxa ka dhacay:

Dowladda Soomaaliya ayaa halka uu qaraxa ka dhacay oo ay saameynta ku yeelatay geysay koox gurmad ah oo loogu talagalay inay soo aruuriyaan meydadka, Dhaawacyada, inay damiyaan dabka ka kacay halkaas iyo sidoo kale inay hagaajiyaan meesha uu qaraxa ka dhacay oo ah meel istaraatiiji u ah isku socodka gaadiidka Muqdisho.

2) Isbitaalada

Dowladda Soomaaliya ayaa isbitaalada ka sameysay gurmadkii ugu weynaa, waxaana halkaas la geeyey shaqaale Caafimaad oo ka socdo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda, kuwa mutadawiciin ah iyo kuwa kale oo iskood isku xil saaray.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Isbitaalada Muqdisho inaysan wax lacag ah ka qaadin dadka Dhaawacyada ah isla markaasna wixii lacag ah lagu soo dalaco dowladda Soomaaliya.

Midda ugu muhiimsaneyd ayaa ah in inta badan madaxda dowladda Soomaaliya ay bixiyeen dhiig loogu talagalay in lagu badbaadiyo Shacabka Dhaawaca ah, waxaana arrintaas bilaabay Madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

3) Raashin loo qeybiyey Bukaanada iyo dadka la joogo:

Tallaabada dadka dhan soo jiidatay ee lagu amaani karo dowladda dhexe, gaar ahaan Wasiiru Dowladaha Wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ah in raashin aad u badan loo qeybiyey dadka Bukaanada la joogo ee Isbitaalada Muqdisho, kuwa jidadka Muqdisho isugu soo baxay Musiibadaan dhacday iyo qaar ka tirsan dadka ka qeyb qaadanayo gurmadka ka socdo qeybo badan oo Magaalada ka tirsan.

Raashinka la qeybinayey ayaa ahaa kuwa bisil oo isugu jiray Qado, Casho iyo Quraac, waxaana la geeyey dhammaan Isbitaalada Muqdisho ee la geeyey dhaawacyada, waxaana howshaas qabtay guddii ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo loo xil saaray Arrintaan.

Dadka loo qeybiyey Raashinkaan ayaa gaarayey ilaa 2000 oo qof, halka Cabitaanada loo qeybiyey ilaa 3000 oo qof.

Raashinka la qeybiyey ayaa waxaa culeyska ugu badan shaqadaas qabtay oo lagu amaanayaa Wasiiru Dowladaha Wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim oo si mas’uuliyad ku dheehan tahay u qabtay shaqadii dowladda u xir saartay.

4) Dhaawacyada oo loo qaaday Debadda

Dowladda Turkiga oo ka jawaabeyso codsigii dowladda ee ahaa in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka Musiibada ku dhacday ayaa diyaarad usoo dirtay Magaalada Muqdisho, waxaana dalkaas loo qaaday ilaa 40 qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas kuwaas oo loo arkay inay ahaayeen kuwa ugu mudan ee aan dalka wax looga qaban karin.

5) Shaqadii Dowladda oo dhammaan la joojiyey:

Dhammaan qeybaha kala duwan ee Hey’adaha dowladda ayaa shaqadii joojiyey si gargaar deg deg ah loogu fidiyo dadka musiibada soo gaartay, waxaana shaqadaas hormuud ka ah Madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.