DF oo imaaraadka kala hadashay arrin saameyn yeelan doonta haddii aan laga hortagin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa walaac ka muujineysa in xiisada u dhexeysa dowladaha Khaliijka uu saameyn ku yeesho xaaladda bangiyada iyo xawaaladaha Soomaalida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dowladu waxa ay sheegtay inay suuragal tahay in Xiisada Khaliijka uu saameyn ku yeesho bangiyada iyo xawaaladaha Soomaalida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo saameynta xiisadaasi ka didsan ayaa kulan degdeg ah la qaatay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia, waxa uuna sheegay inuu kala hadlay guud ahaan xiisada kala dhexeysa Qadar iyo in xiisadaasi aysan saameyn howlaha bangiyada iyo xawaaladaha Soomaalida ee Imaaraadka.

Wasiir Beyle ayaa cadeeyay in Safiirka ay kala hadleen sidii xasilooni darrada siyaasadeed ee Khaliijku uusan saamayn ugu yeelan shaqooyinka xawaaladaha iyo bangiyada Soomaalida ee Imaaraadka Carabta.

Beyle waxa uu sheegay in danjiraha ay u sheegen inay muhiim tahay in la kala badbaadiyo xiisada iyo howlaha Ganacsi ee xawaaladaha Soomaalida.

Beyle waxa uu tilmaamay in bangiyada iyo Xawaaladaha ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali ah oo loo soo mariyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Beyle ayaa farta ku goday in danjiraha uu ka aqbalay in laga hortago saameynta ay xiisada ku yeelankarto bangiyada iyo xawaaladaha.

Dhinaca kale, Beyle iyo danjiraha ayaa isla meeldhigay in dhambaal khuseeya arrintaani loo diro Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com