Sawirro: Dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho oo gaaray Ankara

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga diyaarad siday dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarada siday dhaawacyada ayaa waxaa magaalada Ankara kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo diblamaasiyiin isugu jira Soomaali iyo Turki.

Dadka gaaray Garoonka Ankara ee soo dhaweynaayay dhaawacyada iyo dadkii la socday ayaa waxaa kamid ahaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkey oo ay ka muuqatay qiiro aan lasoo koobi karin.

Dadki u gurmaday dhaawacyada waxaa ka mid ah Mustaf Maxamed Caadle oo ka mid ah ardayda shahaadada PHD ku diyaarinaysa magaalada Ankara.

Mustaf ayaa sheegay in qalbigooda aysan ka go’i doonin dhacdadii ka dhacday magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay inaysan ka daali doonin is garabtaaga dhaawacyada iyo ehelada la socda.

Mustaf, ayaa intaa ku daray inay buuxin doonaan booska dowlada Somalia iyo walaalnimada, isla markaana ay u qidmeyn doonaan kuwa ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Zoobe.

Geesta kale, waxaa kaalin mug leh ka qaadanaaya gurmadka boqolaal arday ah, kuwaa oo isbitaalada ku caawinaaya dhaawacyada iyo ehelada la socda.