Haweeney uur lahayd oo lagu gowrcay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani lagu gowracay Haweeneyda xaamilada ah ayaa ka dhacday xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ee Gobolka Banaadir.

Haweeneyda la gowracay ayaa muran dheeraaday kala dhexeeyay Seygeeda oo lagu magacaabo Aadan Cali Macalin.

Haweeneyda la gowracay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abshiro Sheekh Nuux Maalin, waxa ayna caan ka aheyd Xaafada Suuqa xoolaha.

Dadka deegaanka oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay inay aad uga naxeen isla markaana ka argagaxeen sida foosha xun ee uu u dhacay dilka marxuum Abshiro Sheekh Nuux Maalin.

Muranka marxuumada iyo Seygeeda ayaa ahaa mid salka ku hayay tuhunka la xiriira inay nin kale xiriir la laheyd, taa oo sabab u noqotay in gacan ku dhiiglaha uu dilo xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Sidoo kale, qoyska ay kasoo jeedo Marxuumada Abshiro ayaa garan la’ halka ay u baadigoobayaan ninka falka dilka ah gaystay.

Dhacdooyinka ceynkaani ah ayaa waayadani kusoo badanaayay Somalia, waxa uuna inta badan yahay mid u dhexeeya lamaanaha.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com