Haweeney uur laheyd oo toorey lagu dilay iyo ninkii dilay oo toorey isla dhacay

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday deegaan ka tirsan gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa hadal haya nin aalada tooreyda ku dilay haweeney uu horey u furay una dhashay labo caruur ah.

Haweeneyda ayaa laheyd uur bilooyin ah, waxaana ninka dilka geystay uu haweeneyda u dilay maseer dartii, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Haweeneyda ayaa lagu magacaabi jiray Saafi Faarax Qaasim, waxaana dilka u geystay Liibaan Xasan Barow, oo isla toorey caloosha iska geliyay, balse aan u dhiman.

Saafi ayaa tooreyda looga jeexay caloosha, taasi oo qasabtay iney u dhimato dhaawaca culus ee soo gaaray.

Ciidamada maamulka Hirshabeele ayaa gaaray deegaanka Garas Bintow oo dhacdadan ay ka dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska HirShabeelle
Caasimada@live.com