Dhageyso: Al-Shabaab oo Askar nool ka kaxeystay Afgooye iyo faahfaahin ku saabsan

0

Afgooye (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cumar Beyre oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal u dhaxeeyay  Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxana la sheegay in dagaalkaas ku dhintay qof Shacab ah ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta.

Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga kaxestay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada aysan ka hadlin dagaalkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

SHARE