Dhageyso: Axmed Madoobe oo si cajiib ah uga hadlay golaha wasiirada cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabatay Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaas kadib maalmo uu halkaas ka maqnaa.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa ka hadlay sida uu u arko golaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay, wuxuuna ka dhawaajiyey inuu si hufan usoo dhaweynayo magacaabistaas.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inaysan macquul aheyn in wasiirada la magacaabay ay ku qancaan dhammaan dadka, balse ay muhiim tahay in lala shaqeeyo lana sugo waxqabadkooda intii la mucaaradi lahaa.

Axmed Madoobe oo inta badan lagu tiriyo inuu yahay shaqsi ugu niyadda fiican Madaxda maamulka Goboleedyada ayaa dalbaday in waqti la siiyo shaqsiyaadka la magacaabay, isla markaasna la joojiyo khilaafka.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay dadka durba mucaaradayo wasiirada inay yihiin kuwa dano gaar ah wato isla markaasna aan fiirineyn midda guud oo ah tan anfaceyso dadka iyo dalka.

Wuxuu tilmaamay in magacaabista wasiirada ay go’aan ka gaari karaan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayna waajib tahay in laga dambeeyo maadaama ay yihiin madaxda ugu sareyso dalka laguna aaminay mustaqbalka dadka iyo dalka.

Axmed ayaa ku taliyey in dowladda si fiican loo taageero isagoo qeexay inaysan dowladda shaqo qaban karin haddii aysan helin taageerada shacabka.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa ku nuux nuuxsaday haddii ay lagama maarmaan tahay in isbadal lagu sameeyo wasiirada, si nadaam ah loogu gudbiyo madaxda iyadoo aan buuq iyo fowdo la sameyn, shaqdaas wuxuu ku tilmaamay inay tahay mid looga baahan yahay baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com