Dhageyso: Baarlamaanka Galmudug oo jawaab cad ka bixiyey codsigii Xaaf ee ahaa in loo ansixiyo wasiiradii hore ee Guuleed

Cadaado (Caasimadda Online) – Ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu shalay xildhibaanada Baarlamaankaasi uu ka codsaday in loo ansixiyo in uu soo celiyo Wasiiraddii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa arintaasi waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada ayaa badankood diiday arintaasi waxaana ay ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo magacaabo Wasiiro cusub.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha laga diiday codsigaasi,islamarkaana laga doonaayo in uu dhiso Wasiiro cusub.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Galmudug uu isbadel ka dhaco,islamarkaana loo baahan yahay wasiiro wax u qaban kara Shacabka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku jahwareersan qaabka uu u soo magacaabayo Golaha Wasiirada ee maamulka Galmudug oo sida ugu dhaqsiyaha badan looga fadhiyo,wuxuuna horay u sheegay in magacaabista Golaha Wasiirada ay ku xiran tahay qanacaada Ahlu suna Waljameeca.