Dhageyso: Cali Khaliif Galeyr oo hadal xasaasi ah kasoo saaray dagaalkii Buhoodle?

Buuhoodle (Caasimadda Online) – Xaaladda Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa degan saakay sida ay dadka deegaanka inoo sheegeen.

Ciidamadii Shalay Magaalada ku dagaallamay ayaa xalay kuwada hoyday Magaalada , waxaana wali taagan Cabsi weyn oo ah in markale uu dagaal halkaasi dib uga qarxo.

Waxgaradka degmada Buuhoodle ayaa wadda dhexdhaxaadinta Maleeshiyaadkii Shalay ku dagaallamay Magaaladaasi oo kala taageersanaa khaatuma iyo Somaliland.

Dhanka kale,madaxweynaha maamulka Khaartumo State Cali Khaliif Galeyr sheegay ineysan wanaagsaneyn in Qabiilada degan magaalada Buhoodle iney is dilaan,islamarkaana loo baahan yahay in Xabada la joojiyo.

Dadka Shacabka ah ayaa wali wadda Barakac ,maadaama wali Magaalada laga dareemaayo saansaan colaadeed.

Ku dhawaad 11-Qof ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen dagaalkii shalay,halka tiro intaasi ay ku dhaawacmeen,sida Saraakiisa Caafimaadka Buhoodle ay sheegeen.