Dhageyso: Ciidamo ka soo jeeda Puntland oo dhac iyo dil u geystay dad reer Galmudug ah

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Qarqoore ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay dad Xoolo dhaqato ah,islamarkaana laga dhacay  Xoolo ay la  haayeen sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Ilaa Hal qof ayaa la sheegay in Maleeshiyaad ay dadka deegaanka ku sheegeen in ay ka soo jeedaan Puntland  ku dileen halkaas,iyada la soo sheegayo in qaar ka mid ah dadkii dilka geestay gacanta lagu dhigay.

Wariyaha Radio Dalsan uga soo waramayo Gaalkacyo  ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen inay ciidamadaas dhibka geystay ay kasoo jeedaan maamul Goboleedka Puntland.

Maleeshiyada dilka u geystay halkaan qof ayaa la sheegay inay sidoo kale dhaceyn xoolo badan oo isugu jiro Geel iyo Ari.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan labada Maamul ay sameysteen ciidamo isku dhaf ah oo ku guuleystay inay dhawaan dib usoo celiyaan xoolo badan oo laga dhacay dad kasoo jeedo Maamul Galmudug, taasoo lagu tilmaamay tallaabo loo qaaday xagga nabadda.

Sida hadda wararka sheegayaan ciidamada isku dhafka ah ee labada maamul ayaa wado howlgal ay ku raadinayaan maleeshiyadii dhaca geysatay, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in seddex kamid ah maleeshidaas gacanta lagu soo dhigay iyadoo lagu eedeeyey inay iyaga ka dambeeyeen dilka loo geystay marxuumkaan xoolo dhaqatada ahaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha  arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah