Dhageyso: DF oo si rasmi ah u shaacisay khasaaraha dhabta ah ee qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay ee 14 Octoper Ex Zoobe iyaga oo intaas kadib shaaciyay khasaarihii Guud ee uu geestay qaraxaas, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Wasiirka Warfafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Tirada Guud ee khasaaraha ku sheegay 642 qof oo 358 ka mid ah ay dhinteen.

“Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (358 waa dhimasho, 228 dhaawac, 56 maqan” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 56 ka mid ah dadkaas ay maqan yihiin 122 dhaawac ah howlo Caafimaad loogu qaaday dowladaha Turkiga, Sudan iyo Kenya).

Halka Dhaawacyadii Muqdisho ku haray 99 qof ay caafimaadeen oo ay guryahooda ku laabteen 7 ruuxna ay Isbitaalada ku jiraan.

Weli sidoo kale lama soo bandhigin khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ku burburtay.

Sidoo kale waxaa mudo 5 Maalin kadib ah dib loo furay Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo xirneed iyada oo Berito wixii ka dambeeya sideedii hore loo isticmaali doono.

Halka hoose ka dhageyso shirka jaraa’id

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ayaa baahisay warbixin buuxda oo ku saabsan khasaaraha guud ee qaraxa. Hoos ka akhriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com