DHAGEYSO: FANAANIINTA IYO CIIDA

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa Hambalyada Maunaasabada Maalinta Ciidul Adxa waxay u direen shacabka Soomaaliyeed, taageerayaashooda .

Fanaantiintan oo ku nool dal iyo dibad ayaa waxay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in Muqdisho ay yimaadaan isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay kal qeyb qaataan Dib u dhiska iyo nabada ka curatay gayiga Somalia.

Fanaanada Caanka ah ee Hodan Cabdi araxmaan waxay ka mid tahay fanaaaniinta ku nool deegaanada Maamulka Somaliland Xili ay waxbaahinta la hadlaysay waxay sheegtay in wali aysan imaan Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya balse waxay sheegtay in iminka ay jeceshahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gaarto . isla-markaana ay ku qabato bandhig faneed sida ay sheegtay .

Sidoo kale Fanaanka Cabdi Baadil ayaa sheegay in Xiiso weyn uu u qabo inmaatinka Muqdisho waxaana uu shaaca ka qaaday inuu Xiisaha Muqdisho uu u qabo uu ka sameeyay Heeso dhowr ah sida uu sheegay .

Al-Fanaan Digriyoow oo ka mid ah kooxda waayaha Cusub ayaa shaaciyay inuuan marnaba ilaaweyn Farxadii iyo Dmaashiidka maalmihii Kooxdaas ay joogtay Muqdisho , waxaana Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan taageerayaashiisa ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida.

Sidoo kale Fanaan  Ciiro, oo ka mid ah Fanaaniinta ku nool Somaliland qaadayna Heeso dhowr ah ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Xudunta Somalia isla-markaana uu jeclaan lahaa in mar uun soo caga dhigto, waxaana  uu tilmaamay in imaatin uu yimaada iska daayee xitaa wali aan laga wareysan idaacad xamar ku taal.

Fanaanka ayaa muujiyay Xiisaha iyo Doon doonkiisa ku aadan imaanshiyaha Magaalada Muqdisho, waxaana Shacabka iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka uu ugu hambalyeeyay Maalinta Ciidul Adxa.

Guud ahana Shacabka Muslimiinta ah ayaa maant u dabaal degaya Munaasabada Maalinta Ciidul Adxa .

Halkaan hoose Ka dhageyso Fanaanada Hodan C/raxmaan

Hodan cabdi raxmaan

Halkaan Hoose ka Dhageyso Fanaanka Cabdi Baadil

Fanaaka Cabdi Badil

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Al-fanaan Dogriyoow

Fanaanka Digroyoow

Halkaan Hoose Ka dhageyso Fanaanka da’da yar ee Ciiro

Fanaaka Ciiro

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com