Dhageyso: Faysal Rooble oo shaaca ka qaaday qorshaha Oromada Ethiopia

Addis-Aaba (Caasimada Online) – Ugu yaraan 40 qof oo Soomaali ah ayaa dhowaan lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia, kuwaasi oo qaarkood si foolxun loo dilay kadib markii la sheegay in la gowracay.

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Oramada ayaa ku eedeesay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate afhayeen u hadlay ciidamadaasi ayaa sheegay inay arrintaasi wax ka jirin.

Faysal Cabdi Rooble oo falanqeeya Siyaasada Geeska Afrika ayaa ka waramay muranka iyo khilaafka soo noqnoqda ee u dhaxeeya qowmiyadaha dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya iyo Oromada, iyo qorshaha qowmiyadda Oromada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com