Dhageyso: “Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa isku diraya DF iyo Galmudug” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa wuxuu eedeeyay Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Galmudug.

Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in labadan maamul ay ka shaqeynayaan sidii khilaafka ka dhextaagan Madaxda Galmudug dusha uga saari lahaayeen Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay khilaafka Galmudug ka dhexjira in loo madax banaaneeyo shacabkeeda iyo Madaxdeeda, si aayahooda ay uga tashadaan, balse ay faragelin ku hayaan Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa xilligan waxaa ka dhextaagan khilaaf, ilaa hadda aanan la xalin, waxaana khilaafkan uu saameyn ku yeeshay hormarka iyo xaaladaha kale ee jira degaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com