Dhageyso: Gaas oo ku dhawaaqay difaacida Puntland kana in Ethiopia…

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay iney ka dambeeyso dagaalada Gaalkacyo ka dhacay Gaalkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo kaliya aysan aheyn kuwo looga soo duulay magaalada Cadaado balse Muqdisho laga soo duulay.

Wuxuu sheegay in iminka aysan aheyn in dowlada Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arimaha doorashooyinka , maadaama sida uu sheegay dagaalka Gaalkacyo ay abaabuleyso.

Sidoo kale C/Welli Gaas ayaa sheegay in duulaanka Muqdisho looga qaaday Gaalkacyo uu u baahan yahay in shacabka magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Puntland ay u midoobaan.

Hadalkiisa ayaa sii kicinaya xiisada magaalada Gaalkacyo, maadaama uu sheegay in iminka wax dowlad ah aysan la dhisayn dowlada Soomaaliya maadaama dagaalo ay ku socdaan.

Hoos ka dhageyso

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/10/gaas.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com