Dhageyso: Galmudug oo Qiil u yeeshay sababta ay u taageertay Xulafada Sacuudiga

Cadaado (Caasimadda Online) Maamulka Galmudug ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inay si rasmi ah xiriirka ugu jareyn dowladda Qatar isla markaasna uu maamulkaas taageersan yahay Xulafada Sacuudiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu taageray mowqifkii ay horay u qaateen Dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kuwaas oo xiriirka u dowladda Qatar, waxay arrintaas keentay inay fikrado ka bixiyeen siyaasiyiin badan oo maamulkaas kasoo jeedo

Maamulada Hirshabelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale u taageeray Go’aanka Wadamada Carbeed iyada oo weli dowladda Soomaaliya asyan ka hadlin in kastoo ay horay u sheegty in ay dhexdhexaad ka tahay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mxamuud Aadan Cusmaan Mesagawaa, ayaa sheegay in sababta ay u qaateen go’ankaan uu yahay in Scuudiga iyo Imaaraadka uu kala dhaxeey xiriir Ganacsi, isla markaana hanta farabadan ay ka taallo Wadamadaas.

Waa Dowladda Goboleedkii 4-aad ooqaata go’aan lagu taageerayo Xulafada Sacuudiga uu hogaaminayo,waxaana kaliya hadda dhiman oo wali go’aan qaadan Maamul Goboleedka Jubba Land.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka