Dhageyso: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo faro-geliyey khilaafka maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabillaahi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in Madaxda dowlad goboleedyada iyo Madaxda dalka in khilaafkooda Siyaasadeed xal ka gaaraan isla markaana ay midoobaan.

Cabdi Xaashi ayaa hadalkaan ka sheegay banaanbaxii weynaa ee Shalay ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis Stadium kaasoo looga soo horjeeday Xasuuqii ka dhacay Zoobe.

Tani ayuu sheegay in ay meesha ka saareyso in cadawga Soomaaliya uusan ka faa’iieysan khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Siyaasiyiinta iyo Madaxda dowladda qaarkood ayaa marwalba soo hadal qaada in laga gudbo khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka jira si looga gudbo dhibaato hacda.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiyaha Aqalka Sare

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com