Dhageyso: Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in sharciga la horkeenayo askari dilay qof shacab ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit  Cabdi  Maxamed ayaa shir jaraa’d oo uu xalay ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ayaa marka hore Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan oo shalay Askari ka tirsan Ciidamada taraafikada  uu ku dilay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Faloorance iyo  Geed Jaceyl.

Dilkaas Mrxuumka ayaa sababay in ay dhacaan dibadbaxyo ay dhigayeen Shacab ka caresnaa dilkaas iyaga oo mudo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Gudoomiye Thaabit ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba laga aqbali doonin ciidamada noocyadooda  kala duwan in ay Shacabka dhibaateeyaan waxa uuna amray in la soo qabto askarigii   ka dambeeyay dilka Marxuumka oo baxsaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan si micno daro ah u dilay Dad shacab ah gaar ahaan darawlada bajaajleyda kuwaasi oo mararka qaar ka madax adeega amarada ciidamada.

halkaan hoose ka dhageyso hadalka Thaabit