Dhageyso: Maxaa ka jira in Xasan uu is-hortaagay furitaanka deked iyo garoon cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Somala Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jecelyahay inuu ka taliyo deegaanada hoostaga maamulka, balse uusan dooneynin in la horumariyo deegaanadaasi.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan uu si cad u diiday in la furo Garoomada Diyaaradaha Belidoogle iyo Lambar Konton.

“Madaxweynaha Qaranka ee wakhtigiisu dhamaaday wuxuu jeclaa Tayeeglow, Xudur iyo Ceelbarde uu ka taliyo laakiin ma jecla in la howlgaliyo Garoomada Belidoogle iyo Lambar Konton si cad ayuu u diiday in la shaqo galiyo”

“Ma uusan jecleen in Deegaanada G/Sh/Hoose ay horumaraan waxa uu diiday xitaa in la furo Dekadda Baraawe”

Sidoo kale, Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa cod dheer ku sheegay in Xasan Sheekh uu Siyaasadaasi ku raacsanaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari oo kursiga Dowlada ugu fadhiya matalaada Koonfur galbeed.

Jawaari ayuu sheegay in Xasan Sheekh uu ku raacay in dhammaan Garoomada iyo Dekadaha aan la furin, waxa uuna farta ku goday inuu hilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu matalo Koonfur galbeed.

HALKAANI KA DHAGEYSO CODKA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com