Dhageyso: Nin ka bad-baaday xasuuqii Bariire oo xog xasaasi ah shaaca ka qaaday

Bariire (Caasimada Online) – Maxamed Cismaan oo ka mid ah beeraleyda Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa Jimcihii ka badbaaday weerarkii qorsheysnaa, ee ay ku qaadeen Ciidamada Mareykanka, oo ay wehlinayan Ciidamada Dowladda.

Weerarkan, ayaa waxaa lagu dilay 10 nin oo beeraley ahayd, sida uu xaqiijiyayba Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid).

Maxamed Cismaan, ayaa sheegay inay ku soo duuleen Ciidamada Mareykanka iyo ciidan kaloo Soomaali ah, xilli sida uu sheegay ay dhawr jeer isaga warbixiyeen ciidamadaasi, isla-markaana ay isugu sheegeen inay haystaan hub ay isaga difaacayan maleeshiyada Beesha Biimaal, oo dagaal uu kala dhaxeeyo.

Maxamed Cismaan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye, ayaa tilmaamay in weerarkan ay ku soo qaadeen labaatan nin oo watay saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Mareykanka, isla-markaana uu lafihiisa ugala baxsaday weerarkaasi.

Ninkani, ayaa sheegaya in markii hore cidda soo weerartay uu u haystay maleeshiyada ay is hayaan, balse uu dib ka ogaaday in waxa soo weeraray ay Ciidamada Mareykanka yihiin, markii uu arkay raadadka askarta.

Maxamed Cismaan, ayaa intaa ku daray in uu u tagey Ciidamadii Dowladda ee Bariire ku sugnaa, uuna weydiistay in loo geeyo janankii xukumayay oo magaciisa uu ku sheegay General Sheegow, isla-markaana uu weydiiyay xad gudubka ay ku samaysay dowladda, haddii ay sharaxaad ka siiyeen waxa ay yihiin? Ha yeeshee uu ugu cudurdaartay inaanu waxba kala socon weerarka lagu qaaday.

Maxamed waxa uu hoosta ka xariiqay in ficilkani lagula kacay ay u fasirteen mid dad gaar ahi lagu bartilmaameydsanayo, bedelkii Madaxda Dowladda looga baahnaa in si isu mida ay dadka ula macaamilan, oo aan marnaba looga fadhin in isir sooc kula kacaan beelo gaar ahi.