Dhageyso: Siilaayo oo qiray arrin ka dhacday doorashadii Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashadii 13-ka bishan ka dhacday maamulkaasi.

Isagoo khudbad u jeediyay shacabka, ayuu Madaxweyne Siilaanyo qiray markii ugu horeysay in afar goobood oo kamid ah Somaliland aysan ka qabsoomin doorashada Madaxweyne.

“Waxaan xaqiijinayaa in 4 goobaad oo qura dalka aan doorasho ka dhicin, arrimo la xiriira muran deegaamo jira darteed,” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Bariga gobolka Sanaag iyo qeybo katirsan Sool, oo kamid ah meelaha ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland ayaan laga codeynin, iyadoo ay ka dhaceen dibadbaxyo doorashada looga soo horjeeday.

Dhanka kale, Siilaanyo ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday doorashada, oo uu sheegay inay magac iyo maamuus weyn ay Somaliland kaga heshay caalamka codbixinta sida ay u dhacday ee dimuqraadiga ah.

Laakiin waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka qaar, sida Burco iyo Hargeysa oo 2 qof ay ku dhinteen, taasi oo ka dambaysay ku-shubasho lagu sameeyay doorashada.

Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in 19 Askari ay ku dhaawacmeen isku dhacyada dhexmaray ciidamada iyo taageeriyaasha Waddani, oo ka carooday codad lagu shubtay, iyadoo la adeegsaday warqado been ah.

Waddani iyo Gudiga doorashada ayaa wadahadal kadib shaaciyay in la xalilayay cabashada muhsraxa Cabdiraxmaan Cirro, oo horey u shaaciyay in wadashaqeyntii Gudiga uu joojiyay, kadib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan cod-ku-shubashada.

Saddex musharax oo kala ah Muuse Biixi, oo katirsan Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro, oo Waddani u tartamaya iyo Feysal Cali Waraabe, oo calanka u sida UCID ayaa u tartamay doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taasi oo walii natiijadeeda lagu dhawaaqin.

Madaxweynaha cusub ee soo baxaya ayaa bedeli doona Siilaanyo oo xilka soo hayaya tan iyo 2010-kii, ayaa labo sano dib u dhacday doorashada Somaliland, sababo la xiriira colaaddo iyo abaaro ka jiray mamaulkaasi.

Halka hoose ka dhageyso codka Siilaayo

Isha: GO