Dhageyso: Somaliland oo shuruud in la fuliyo adag ku xirtay wada-hadal ay la furto Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland, ayaa shuruud adag ku xiray wada-hadallo ay Somaliland la gasho dowladda cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Hadalkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, oo ku adkeystay in marka hore loo baahan yahay wax ay labada dhinac isla ogol yihiin iyo wax aysan isla ogolaynba, ka hor inta aan wada hadalada la bilaabin.

Hadalkan ayaa loo macneeyey in Somaliland ay dooneyso in Farmaajo uu marka hore ogolaado madax banaanada Somaliland.

“Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya halmid oo keliya bay wax ku wada noqonayaan. Dadka isugu imaanaya shir waa inay jirtaa wax ay isla ogol yihiin iyo wax aanay isugu imaaninba.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Haddii la isugu yimaado shirar aan waxba la’isla ogolayn, waxna la’isku diidanayn Somaliland ka qaybgeli mayso. Kuwa horaan tagnay oo aanu aragnay, isuma dhawin, isu hadaf manihin, meel kama wada duuleyno.”

Muuse Biixi, ayaa markale yiri “Waxaanan u quurin bay noo quuraan, oo uu kow ka yahay Somaliland maaha qaran jiree Somaliyaa ka mid tihiinee nala hadla. War taa miyaanu gaynaa? Dee shalay muu oran markuu hadlaayay waan wada hadleynaa qaranka Somaliland. Wuxuu yiri walaalayada waqooyiga, ma nihin waqooyi ee Somaliland baanu nahay.”

Biixi, ayaa wuxuu intaa ku daray “Qaran baanu nahay, dhiig baanu ku soo xareysanay, nin-na ugama heybaysanayno ama adeerkaa Trump u yeero ama cid kale doono. Somaliland qaran ah hadaad la hadleyso oo ogoshahay isu kaaya keen, haddii kale yaynaan isu habsaamin.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com