DHAGEYSO: “Uma soconno shirka CADAADO” !

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah waxgaradka ku shirsan degmada Dhuusamareeb ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in aysan marnaba ka qeybgali doonin shirka dhawaan ka furmi doona degmada Cadaado, kaasi oo maamul loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Nabadoon Yuusuf Ducaale Warsame oo u waramay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, ayaa sheegay in marnaba aanay ka laaban doonin go’aankoodi ahaa in shirka aan lagu qaban degmada Cadaado dowladana ay codsigaasi ku celcelin doonaan.

Waxa uu tilmaamay in iyagu ay doonayaan oo kaliya in shirka dib u heshiisiinta halka uu ka socdo lagu qabto ama xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

“Anaga codsigeenii kama laabanayno waxaan rabnaa in shirka Dhuusamareeb lagu qabto, hadii laga fursan waayana Gaalkacyo in la geeyo, meel kale anagu raali kama nihin” ayuu yiri Nabadoon Yuusuf Ducaale.

Waxgarad badan baa qaba aragti ahaan in shirka lagu qabto degmada Dhuusamareeb, inkastoo qaarkood ay sheegayaan in ay raaci doonaan amarka madaxweynaha iyo halka uu doonayo in lagu qabto.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com