Dhageyso: VOA oo baahisay musharaxiinta ugu cadcad doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la qorsheeyey bisha January ee sanadka 2017 waxaa la filayaa inay noqoto mid aad u adag, lacagtii ugu badneyd ay ku baxdo marka ay noqoto iibsiga codadka xildhibaanada.

Waxaa tartamaya siyaasiyiin caan ah, islamarkaana miisaan ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh, Shariif Xasan, Cumar Cabdirashiid, Shariif Axmed, Jabriil Cabdulle iyo Danjire Ameeriko. Waxa kale oo jira musharaxiin kale oo badan.

Haddaba yey yihiin musharaxiinta ugu cad cad doorashadan, marka la eego tageerada ay haystaan, dhaqaalaha iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliya.

Warbixin arrintaas ku saabsan oo xiiso leh waxaa diyaarisay idaacadda VOA-da ee hoos ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com