Dhageyso: “Waan ognahay sababta ay DF u taageertay Qatar” Waxaa sidaas yiri…

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka K/Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa sheegay inay ku saxan yihiin inay taageeraan Isbahaysiga Sacuudiga,maadaama ay Xiriir Ganacsi la leeyihiin dalalkaasi, isla markaana loo dhoofiyo Khudaarta iyo Xoolaha nool ee uu caanka ku yihiin Goballadda hoos taga Maamulka K/Galbeed.

“Wax sharci ah oo aan jebinay ma jiro, K/galbeed waxay qeyb ka tahay DFS, waxaana ku khasbanahay inaan ilaaliyo Danaha Dadka ku abtirsada Maamulka K/Galbeed” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Mar wax laga weydiiyey waxay ku qoonsadeen go’aankii DFS ee dhexdhexaadnimadda Khilaafka Khaliijka, waxa uu carrabka ku dhuftay inay og yihiin ujeedada ay DFS ugu xaglinayso Dowladda Qatar, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Madaxda Maamul-gobaleedyadda kula taliyeen Madaxda DFS inay ka laabtaan go’aankaasi aan danta ugu jirin Dadka Soomaaliyeed..

Dhinaca kale, Wasiirka Dastuurka ee Dowlad-gobaleedka K/Galbeed waxaa wax laga weydiiyey xiisadda Siyaasadeed iyo Xildhibaanadda laga manuucay inay tagaan ama ka baxaan Baydhabo, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo sheegay in Madaxtooyadda Villa Somalia laga soo abaabulayo wararka la dhoodhoobay, waa sida uu hadalka u yiri.

Halkan ka dhegeyso Wareysiga lala yeeshay Wasiirka Dastuurka ee K/Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com