Dhageyso: Wasiirada Galmudug oo go’aan kasoo saaray kulan ay ku yeesheen Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan deg deg ah oo Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ay maanta ku yeesheen magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulkaasi ayaa waxay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Galmudug.

Wasiiradda ayaa soo saaray Amaro ku aadan Xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta degaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa markuu soo dhamaaday kulanka Saxaafadda la hadlay waxaana uu sheegay in ay isku raaceen in kulamo siyaasadeed aan lagu qaban Cadaado inta ay xaaladdu kacsan tahay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaaladda ka socda Bariga Gobolka Mudug.

Waxaa muuqaneysa khilaaf iminka soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug,kaasoo ku saabsan Xiisada Khaliijka ka taagan oo lagu kala qeybsan yahay.