Dhageyso: Xog cusub oo ku saabsan xildhibaankii Jubbaland ee la dilay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sidii aad ku akhrisateen wararkeenii hore Xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa lagu toogtay gudaha Magaalada Kismaayo.

Haddaba waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan qaabka uu u dhacay dilkaas iyo cidda ka dambeyso kadib markii ay baxsadeen dadkii falkaas geystay.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in dilkaas uu ka dambeeyay askari ku labisan Tuutaha ciidanka isla markaana Bartamaha Kismayo uu falkaan ka dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaan kale uu la socday xiliga dilka uu dhacayay balse asyan waxba gaarin arrintaasni uu ku wargeliyay tliska Naba-Sugida Jubbalan ee Magaalada Kismaayo.

Marxuum C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras) ayaa la sheegay inuu si weyn uga soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna  maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Kismaayo ka waday kulamo ay yeelanayeen qaar ka tirsan Xildhibaanada oo doonayey inay xilka ka qaadaan Axmed Madoobe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas ayaa Caasimadda Online u sheegay inay Macquul tahay in dhimashada Xildhibaanka ay la xiriirto Arrimo siyaasadeed oo aan weli la caddeyn.

Xildhibaanka Kismaayo lagu dilay ayaa noqday midkii ugu horreeyey ee halkaas lagu dilo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawr jeer oo hore lagu toogtay Magaalada Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.

Maamulka  Jubblanad  ilaa hadda war cad kama soo saarin cidda ka dambeyso dilkaan iyo warbixin ku saabsan qaabka uu dilkaas u dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan  Axmed Ismaaciil Maxamed  oo wareysi siiyey idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com