Dhageyso: Taabit oo ku dhawaaqay maalin bannaanbax iyo tacsi ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqay maalin cusub oo tacsi loo sameynayo dadkii ku laayay Qaraxii Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabit Cabdi Axmed ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho inay isu soo baxaan Arbacadda maalin tacsi qaran loo sameynayo dadkii ku dhintay Qaraxa, wuxuuna intaas ku daray qof waliba looga baahan yahay inuu kasoo qeyb galo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday in magaalada socod lagu maro oo la muujiyo in qarax dambe aanu magaaladan ka dhicin, wuxuuna berri u cayimay maalin bannaanbax iyo tacsi oo lagu diidan yahay xasuuqii bahalnimo ee caasimadda ka dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Guddoomiyaha