Dhallinyaradii isbadal doonka oo wasiirada diidan iyo madaxdii hore oo u ololeenaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha ku jiro golaha Baarlamaanka waxay u badan yihiin dhallinyaro isbadal doon, waxayna ka dhawaajiyeen inay wadanka wax badan ka badali doonaan isla markaasna aysan ka hor imaan doonin danta shacabka.

Fikirkaas ayuuna ahaa midkii Xasan Shiikh Maxamuud looga guuleystay jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya, balse hadda waxaa muuqdo isbadal weyn oo ku aadan siyaasiyiintii Xasan lasoo shaqeysay iyo kuwa hadda ku jiro Xildhibaanada ee shwwgay inay isbadalka u hiilinyaan.

Sax dhalinyarada isbadal doonka ah si fiican ayey uga shaqeeyeen inay doortaan madaxweynihii uu shacabka rabay xilligii doorashada Soomaaliya, sidoo kalana waxay si aqlabiyad ah u ansixiyeen Ra’isulwasaarihii uu soo magacaabay Farmaajo ee Xasan Cali Kheyre.

Balse markii uu Ra’isulwasaaraha soo magacaabay golihiisa wasiirada, waxaa soo baxday mucaarad ka imaaday inta badan dhallinyaradii isbadal doonka aheyd kadib markii ay lasoo safteyn guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari.

Dhanka kale taas caksigeeda siyaasiyiintii lasoo shaqeeyey dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, haddii ay ahaan lahaayeen xildhibaano hore kuwa hadda ka tirsan Baarlamaanka wasiiro hore iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in golaha wasiirada la ansixiyo iyadoo la qadarinayo xaalad abaareed ee dalka ka jirto.

Haddaba waxaa meeshaas ka muuqato inay sheekada dhan kale isku rogtay, qoladii dalka inay horumar gaarsiiso la rabay ayaa bilaabay inay wadanka dib u dhigaan, halka kuwii la sheegayey inay dalka dib u dhigayaan la arkayo iyagoo ka shaqeenayo sidii xukuumadda cusub loo ansixin lahaa isla markaasna dalka loo samatabixin lahaa.

Dadka siyaasadda falanqeeyo ayaa aaminsan in arrintaan ay sabab u tahay dano shaqsiyadeed oo ay dhallinyaradii isbadal doonka aheyd ka waayeen golaha wasiirada sidaas ay ku mucaaradeyn.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta soo qoray maqaal dheer ayaa ku taliyey in la isku samro, beelahana ay is walaashadaan la isna tixgeliyo.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inay lagama maarmaan tahay in beelihii xilalka horey usoo qabtay ay u tanaasulaan walaahood kale si ay iyagana xukunka dalka wax ugu helaan, wuxuuna Baarlamaanka u diray farriin ah inay ansixiyaan golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com