Dhismaha Zoobe oo laga soo dul dajiyay Xubno Bani’aadam & Gaadiid uu Qaraxa qaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Gurmad bani’aadanimo ayaa waxa uu weli ka socdaa dhismooyinka ku yaalla Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaa oo 14-kii bishan uu ka dhacay Qarax ay ku dhinteen shacab farabadan.

Dadka ku howlan gurmadka lagu baadi-goobaayo dadka la la’ yahay ayaa maanta Daarta dheer ee Zoobe kasoo saaray xubno jirka Bani’aadamka ah.

Xubnaha maanta laga soo saaray dhismaha ayaa la xaqiijiyay inay kamid ahaayen Lugo, Gacmo iyo xubno kale oo jir bani’aadam ah, sida ay sheegtay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku howlan gurmadka ayaa sheegay in xubnaha la helay ay yihiin kuwa dadka lagu la’ yahay nolosha ee weli ku harsan dhismooyinka burbursan qaarkood.

Xubnaha maanta laga helay qeybta sare ee dhismaha Zoobe ayaa waxaa halkaa geeyay Qaraxa, waxaana xusid mudan in isla goobta laga helay qeybo kamid ah Gaadiidka lagu waayay Qaraxa oo halka saaran.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa dhismaha Zoobe dusha ka saaray ilaa Seddex gaari nooca raaxada ah, kuwaa oo dadkii la socdayna qaarkood lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ayaa ilaa iyo hadda aad loo hadal hayaa, waxaanan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com